Berlin, Jarmalka – Faransiiska, Talyaaniga iyo Poland ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta isbahaysiga NATO, laba toddobaad ka hor shir madaxeedka ururka oo lagu qaban doono Ankara.
Raysal Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa sheegay in dalalkoodu ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii shirku u noqon lahaa mid guuleysta, isagoo xusay in arrintani muhiim u tahay amniga Yurub xilli ay jiraan caqabado amni oo sii kordhaya.
Hoggaamiyeyaasha shanta dal ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo kharashaadka difaaca, la xoojiyo iskaashiga Yurub iyo kan ka dhexeeya Yurub iyo Mareykanka, isla markaana la adkeeyo tiirka Yurub ee NATO.
Waxay sidoo kale ku baaqeen taageero dhaqaale oo xooggan oo loo fidiyo Ukraine, iyagoo sheegay in taageerada Yurub ee Kyiv ay sii socon doonto, halka ay soo dhaweeyeen heshiiska qaab dhismeedka ah ee Mareykanka iyo Iran ay ku doonayaan xal nabadeed.
