Home DIBADDA Booliska Kenya Oo Xiray Waddooyinka Nairobi Kahor Dibadbaxyo Waaweyn

Booliska Kenya Oo Xiray Waddooyinka Nairobi Kahor Dibadbaxyo Waaweyn

0

Nairobi, Kenya – Booliska Kenya ayaa xiray waddooyinka muhiimka ah ee gala bartamaha magaalada Nairobi kahor dibadbaxyo dalka oo dhan laga qorsheeyay kuwaas oo lagu xusayo laba sano guuradii kasoo wareegtay mudaharaadyadii ay hoggaaminayeen dhalinyarada “Gen Z” ee dowladda ka dhanka ahaa.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya caddaalad loo helo in ka badan 80 qof oo la dilay iyo tobannaan kale oo ku dhaawacmay mudaharaadyadii canshuuraha looga soo horjeeday ee 2024 iyo sanadkii xigay.

Waddooyinka waaweyn ee Nairobi ayaa la xiray, waxaana hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo ganacsiyo iyo iskuullo badan ay albaabada u laabeen.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadyo ay ka dhaceen deegaanka Githurai ee duleedka Nairobi, halkaas oo dibadbaxayaal ay dab qabadsiiyeen meelo kala duwan, iyadoo booliskuna ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan dadka isu soo baxay.

Madaxda mucaaradka iyo qoysaska dadkii ku dhintay mudaharaadyadii 2024 ayaa Ubaxyo dhigay agagaarka baarlamaanka si ay u xusaan dhibbanayaasha, halka dowladda ay ugu baaqday shacabka inay dibadbaxyada u dhigaan si nabad ah oo aysan ku lug yeelan rabshado ama burbur hantiyeed.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version