Ankara, Turkey – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kulamo laba geesood ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha adduunka intii lagu jiray Shir madaxeedkii 36 aad ee Madaxda Dowladaha iyo NATO, oo ay martigelisay dowladda Turkiga shirkaasoo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Ankara.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip ayaa la kulmay hoggaamiyeyaasha, ay ku jiraan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Madaxweynaha Finland Alexander Stubb, Madaxweynaha Slovakia Peter Pellegrini iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz, kuwaas oo qeyb ka ahaa shir madaxeedka NATO.
Kahor shir madaxeedka, Erdogan ayaa qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Bulgaria Rumen Radev wuxuuna sheegay in xiriirka Turkiga iyo Bulgaria uu si dhinacyo badan leh u socdo, iyadoo dadaallada lagu horumarinayo iskaashiga dhinacyada ay ka mid yihiin ganacsiga, gaadiidka, warshadaha difaaca iyo tamarta.
Erdogan ayaa sidoo kale la kulmay Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte isla maalintaas, isagoo sheegay inay muhiim u tahay shirka Ankara inuu wax ka qabto arrimaha u dhexeeya difaaca wadajirka ah ilaa ballaarinta iskaashiga warshadaha difaaca ee xulafada.
Dhankale Madaxweyne Erdogan oo Ankara ku martigalinaya meertada 36 aad ee shir madaxeedka ururka North Atlantic Treaty NATO ayaa maalintii koowaad ee shirka lakulmay ra’iisulwasaaraha Canada Mark Carney wuxuuna sheegay in xoojinta xiriirka Turkiga iyo Kanada ee ganacsiga, amniga, warshadaha difaaca iyo tamarta ay ka faa’iideysan doonaan labada dal.
Turkiga ayaa sanadkaan martigaliyay meertada 36 aad ee shir madaxeedka wadamada ku mideysan ururka NATO.
