Bujumbura, Burundi – Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov oo booqasho ku jooga qaarada Afrika ayaa gaaray dalka Burundi.
Sergey Lavrov wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo tan iyo Talaadadii todobaadkan kusugan qaarada Afrika ayaa booqday dalalka Ethiopia, Niger, iyo Mozambique, isagoo aanta oo Jimco ahna kadagay dalka Burundi oo ah halka ugu dambeysa booqashada uu ku marayay 4 dal oo African ah.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maria Zakharova ayaa ku dhawaaqday imaatinka Sergey Lavrov ee Burundi, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin jadwalka uu ku joogo dalkan ka tirsan Bariga Afrika.
Lavrov ayaa intii uu kuguda jiray booqashada wadahadalo layeeshay dhigiisa wasiirada arrimaha dibadda dalalkan sadexda ah ee uu booqday, isagoo maalinimadii Arbacadan ka qeybgalay wadatashiyo wasiirro ah oo u dhexeeyay Ruushka iyo Isbahaysiga Dalalka Sahel, oo ay ku jiraan Mali, Burkina Faso, iyo Niger.
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa waxaa soo dhaweeyay madaxda dalalka uu booqday.
