Bamako, Mali – In ka badan 50 askari oo ka tirsan ciidamada Mali ayaa lagu dilay, halka ugu yaraan 24 kalena la afduubtay kadib weerar ay ku qaadeen kooxo gooni-goosad ah iyo kooxo argagixiso ah oo ka dhacay waqooyiga dalka.
Mas’uuliyiin ciidan iyo ilo maxalli ah ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday kolonyo ciidan oo ka baxaysay magaalo istiraatiiji ah, iyadoo khasaaraha ka dhashay uu noqday midkii ugu weynaa ee ciidamada Mali soo gaara muddo dheer.
Weerarkan ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada kooxaha hubeysan ee ka dhanka ah ciidamada dowladda, gaar ahaan gobollada waqooyiga oo ay muddo ka jireen dagaallo iyo qalalaase amni.
Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah askarta la afduubtay, inkastoo aan weli la shaacin xaaladdooda ama halka lagu hayo.
Dowladda Mali ayaan weli faahfaahin dheeraad ah ka bixin weerarka, iyadoo la filayo in ciidamada ay sii xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
