Home DIBADDA Madaxweynaha Lubnaan Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Tegay Mareykanka

Madaxweynaha Lubnaan Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Tegay Mareykanka

0

Washington, Mareykanka – Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa gaaray Washington isagoo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Mareykanka, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweyne Donald Trump.

Aoun ayaa inta uu joogo Mareykanka la kulmi doona Trump, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio iyo xubno ka tirsan Kongareeska Mareykanka.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda amni ee Lubnaan, xoojinta xabbad-joojinta iyo sidii ciidamada Israa’iil uga bixi lahaayeen dhulka ay weli ka haystaan koonfurta Lubnaan.

Sidoo kale waxaa la filayaa in labada dhinac ay ka wada hadlaan taageerada Mareykanka ee xasilloonida Lubnaan iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

Booqashadan ayaa noqotay tii ugu horreysay ee madaxweyne Lubnaani ah uu ku tago Mareykanka tan iyo sanadkii 2009.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version