Home DIBADDA Mareykanka, Japan, Australia Iyo India Oo Taageeray Dhex Dhexaadnimada Iyo Midnimada Wadamada...

Mareykanka, Japan, Australia Iyo India Oo Taageeray Dhex Dhexaadnimada Iyo Midnimada Wadamada Ku Bahoobay ASEAN

0

Manila, Philippine – Masuuliyiinta sare ee Mareykanka, Japan, Australia iyo India ayaa dib u xaqiijiyay taageeradooda hagar la’aanta ah ee dhex dhexaadnimada iyo midnimada ururka Association of Southeast Asian Nations (ASEAN).

Taageerada wadamadan ee ururka ASEAN ka ayaa timid intii lagu guda jiray kulan dhexmaray xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio iyo dhigiisa wadamada Australia, India, iyo Japan oo ah koox loo yaqaan Quad, kaas oo ka dhacay Manila, caasimadda Philippine, ahna guddoomiyaha hadda ee 11-ka xubnood.

Wasiiradda arrimaha dibadda dalalkan ayaa ku kulmay meertada 59 aad ee shirka sanadlaha ah ee masuuliyiinta sare ee ururka sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Marekanka.

Masuuliyiinta wadamadan ayaa ku celiyay waxa ay ugu yeereen Indo Pacific furan oo xor ah, diblomaasiyiinta wadamadan afarta ah ayaa kawadahadlay caqabadaha iyo fursadaha gobolka si ay u xoojiyaan si ay u xoojiyaan taageerada ay u hayaan hirgelinta dhabta ah ee Aragtida ASEAN ee Indo-Pacific, iyada oo loo marayo mudnaanta la wadaago ee amniga badda iyo kan caalamiga ah, barwaaqada dhaqaalaha iyo amniga, teknoolojiyadaha muhiimka ah iyo kuwa soo baxaya, iyo gargaarka bani’aadamnimada iyo jawaab celinta degdegga ah.

Wadamada afarta ah ee loo yaqaano Quad ee Mareykanka, Japan, Australia iyo India iskaashi istaraatiijiyadeed dhameystiran laleh wadamada Southeast Asian Nations (ASEAN).

Quad, oo kulmisay wadamada Mareykanka, Hindiya, Australia, iyo Japan, ayaa si isa soo taraysa diiradda u saartay kor u qaadista iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha ee guud ahaan Asia-Pacific.

Bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu daray “waxaan si qoto dheer u maalgelinaynaa guusha gobolka iyo iskaashiga ASEAN iyo waddamada xubnaha ka ah waxaan ku mideysannahay aaminsanaantayada ah in nabadda iyo xasilloonida aagga badda ee Indo-Pacific ay saldhig u tahay amniga iyo barwaaqada gobolka”.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version