Dhaka, Bangladesh – Madaxweynaha dalka Bangladesh Mohammed Shahabuddin ayaa iska casilay xilka madaxweynaha dalkaas oo ay kaga harsanayd muddo laba sano ah.
Mohammed Shahabuddin oo 76 jir ah ayaa go’aanka uu kaga tagayo madaxweynaha Bangladesh ku sababeeyay sababo caafimaadkiisa laxiriira, Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay sii kordhayaan dalabyada ka imanaya xisbiyada mucaaradka ee ah inuu xilka ka dego.
Madaxweynaha Bangladesh ayaa isagoo kawaramaya xaaladihiisa caafimaad sheegay in baaritaano lagu sameeyay lagu ogaaday xaalad loo yaqaan Autonomic Neuropathy taasoo uu sheegay inay kusababto inuu miyir daboolmo mararka qaar, Shahabuddin ayaa ku yiri hadal uu soo saaray xoghayihiisa saxaafadda.
Mohammed Shahabuddin ayaa gudoomiyaha baarlamaanka dalkaas Hafiz Uddin Ahmed Jimcaha maanta ah u diray warqad uu ugu sheegayo inuu aad u xanuunsanayahay uusanna awoodin inuu guto waajibaadka dastuuriga ah.
Wakaaladda wararka AP ayaa ku warantay in gudoomiayaha baarlamaanka Hafiz Uddin Ahmed uu aqbalay is casilaada madaxweyne Mohammed Shahabuddin.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka Afhayeenka Jatiya Sangsad, oo ah baarlamaanka Bangladesh, ayaa qaban doona waajibaadka madaxweynaha ilaa laga doorto mid cusub.
Afhayeenka madaxweynaha, Sarwar Alam ayaa sheegay sida ku cad dastuurka Bangladesh, iscasilaadda madaxweynaha ayaa dhaqan galaysaa marka warqad saxeexan loo gudbiyo gudoomiyaha baarlamaanka.
Sida uu dhigayo dastuurka dalka Bangladesh madaxweynaha cusub waa in lagu doortaa muddo 90 maalmood ah.
Madaxweynaha iscasilay ee Bangladesh Mohammed Shahabuddin ayaa dalkan dhaca Koonfurta qaarada Aasiya xukumayay tan iyo April 2023 ka iyadoo muddo xileedkiisa shanta sano ah kaga harsanayd labo sano.
Shahabuddin ayaa kormeeray Bangladesh kagadaal markii dhalinyaro dibadbax dhigay ay eryeen ra’iisul wasaarihii dalkaas Sheikh Hasina Wazed bishii August 2024 ka.
Sheikh Hasina oo dibad jog ka ah dalkeeda ayaa hadda ku nool caasimadda dalka Hindiya ee New Delhi, hase yeeshee wakaaladda wararaka ee Reuters ayaa ku warantay in Hasina lafilayo inay ku laabato dalkeeda Bangladesh horaanta December ee sanadkan.
Iscasilaada Shahabuddin ayaa Hasina kadhigeysa mid aan laheyn xulufo siyaasadeed oo xilka sare haysa shan bilood ka hor soo laabashadeeda qorshaysan.

