Kinshasa, DR Congo – Ugu yaraan 50 maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla gobolka Kasai ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.
Mas’uuliyiintu waxay tilmaameen in baxsashadu ahayd mid muddo la qorsheeynaaye, iyadoo dhammaan maxaabiistii ku jirtay xabsiga ay ka baxeen.
Waxaa jira tuhuno la xiriira in qaar ka mid ah ilaalada xabsiga ay door ku lahaayeen fududeynta baxsashada maxaabiista.
Hay’adaha ammaanka ayaa bilaabay howlgal lagu baadi-goobayo baxsadayaasha, iyadoo dadka deegaanka lagu wargeliyay inay la shaqeeyaan ciidamada.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dhacdadani ay walaac weyn ku abuurtay ammaanka gobolka, maadaama qaar ka mid ah baxsadayaashu ay ahaayeen dad halis ku ahaa bulshada.
