Riyadh, Saudi Arabiya – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo ku baaqay in la yareeyo xiisadda gobolka lana xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed.
Amiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo dadaal kasta oo suuragal ah si looga hortago in xaaladdu isu beddesho dagaal ballaaran oo saameeya gobolka.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Sacuudiga iyo Mareykanka.
Wadahadalkan ayaa yimid kadib xiisaddii u dhexeysay Mareykanka iyo Iran iyo weerarro is-daba joog ah oo labada dhinac ay isweydaarsadeen.
Sacuudiga ayaa mar kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xalalka lagu raadiyo wadahadal iyo diblomaasiyad si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
