Muqdisho – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka cadeysay mowqifkeeda ku aadan dalka Qubrus, bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa na lagu xusay inaanu wali isbadalin mowqifka dowladda ee ku aadan qadiyadda Qubrus.
Qoraalka wasaaradda ayaa yimid kagadaal markii gudoomiyaha dhawaan la doortay ee Golaha Shacabka Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac uu wadahadal taleefan la yeeshay gudoomiyaha baarlamaanka Qubrus ta Waqooyi ee Turkiga oo ugu hambalyeeyay doorashadiisa gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay inay ixtiraam buuxa u heyso madax bannaanida, gobannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Qubrus, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo kan khuseeya qaraarrada ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan Qaraarrada tirsigoodu yahay 541 (1983) iyo 550 (1984).
Wasaaradda ayaa xustay in qoraalka shakhsigu aanay ka turjumeyn aragtida dowladda federaalka iyo isbadal ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa carabka ku dhufatay in taageeradeeda joogtada ah ee ku aaddan in qadiyadda Qubrus lagu gaaro xal nabadeed, isla markaana ku salaysan wada xaajood waara, iyadoo hoos imanaysa dhexdhexaadinta iyo dadaalada Qaramada Midoobay, lana waafajinaayo sharciga caalamiga ah iyo kan khuseeya qaraarrada Golaha Ammaanka.
Bayaanka wasaaradda ayaa lagu soo gabagabeeyay in Soomaaliya weli si buuxda uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay iyo in khilaafaadka lagu xalliyo si nabad ah.
