Home DIBADDA Singapore Oo Shiinaha Ka Dalbatay Faahfaahin Ku Saabsan Muwaadiniin La Xiray

Singapore Oo Shiinaha Ka Dalbatay Faahfaahin Ku Saabsan Muwaadiniin La Xiray

0

Beijing, China – Mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa gobolka Guangxi ku xiray 52 muwaadin oo Singapore ah, kadib howlgal lagu bartilmaameedsaday falal la xiriira nidaamyada maaliyadeed ee loo yaqaan pyramid scheme iyo dambiyo kale oo la xiriira. Arrintan ayaa Jimcihii xaqiijisay Sim Ann, Wasiiru-dawlaha labaad ee Arrimaha Dibadda ee Singapore.

Pyramid scheme waa nidaam dadka lagu dhiirrigeliyo inay lacag bixiyaan, kadibna ay dad kale soo qortaan si ay faa’iido uga helaan. Lacagta nidaamkan badanaa waxay ka timaaddaa xubnaha cusub, waxaana inta badan lagu ballanqaadaa faa’iidooyin badan oo mala-awaal ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo booliiska Singapore ayaa la xiriiraya mas’uuliyiinta Shiinaha si ay u helaan xog dheeraad ah oo ku saabsan kiisaska. Sim Ann ayaa sheegtay in dowladda Singapore aysan faragelin ku sameyn habka garsoorka iyo baaritaannada dalalka kale, balse ay muwaadiniinta xiran siinayso gargaar qunsuliyadeed.

Safaaradda Singapore ee Beijing iyo Qunsuliyadda Guud ee Guangzhou ayaa saddex jeer booqday dadka xiran si loo hubiyo xaaladdooda iyo in loo fidiyo taageero iyo gargaar. Waxay sidoo kale gaarsiiyeen codsiyada dadka xiran, fariimaha qoysaskooda iyo caawimaad ku saabsan arrimo maamul.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Guo Jiakun, ayaa sheegay in booliiska Shiinuhu ay kiisaska dambiyada ee ay ku lug leeyihiin ajaanibta u baaraan si waafaqsan sharciga dalka, iyagoo ilaalinaya xuquuqda iyo danaha sharciga ah ee dadka ku lugta leh. Dowladda Shiinaha weli ma aysan faahfaahin dambiyada lagu eedeeyay dadka la xiray.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version