Tuesday, October 27, 2026

Wariye Xasan Galaydh Oo Lagu Xiray Hargaysa

Share

Hargaysa – Wariye Xasan Saleebaan Haaruun (Xasan Galaydh) ayaa galabta lagu xiray magaaladda Gabilay ee gobolka Waqooyi Galbeed iyadoo kadib xarigiisa loo qaaday xarunta dambi barista CID ee magaaladda Hargaysa.

Ma cadda ilaa iyo hadda faahfaahin muuqata oo la xiriirta xarigiisa hase waxaa mudooyinkaan dambe soo badanayay xariga loo geysanayo xubnaha ka aragtida duwan maamulka uu hogaamiyo madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Cirro.

Wariye Galaydh ayaa noqonaya wariyihii 47 ee xabsiga loo taxaabo tan iyo markii Talada maamulka qabsadeen xisbiga Wadani, iyadoo dhanka kalana xariga Galaydh loo geystay uu imaanayo 15 toban maalmood kadib xarig loo geystay wariye kale oo lagu magacaabo Cabdiqani Baylood kaas oo ilaa iyo hadda xiran.

Suxufiyiinta ku sugan magaaladda Hargaysa oo uu ku jiro suxufigan la xiray ayaa todobaadkaan gudihiisa dalbaday in la sii daayo Cabdiqani Baylood.

Saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland ayaa mudooyinkaan dambe lakulmeysay cadaadis kaga imaanaya maamulka Somaliland.

Suxufi Xasan Galaydh ayaa ah wariye madax banaan isagoo madax ka ah warbaahinta Galaydh Media.

Read more

Local News