Dhuusamareeb, Soomaaliya – Gudiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa soo saaray liiska xisbiyada ku tartamaya doorashada ku celiska ah ee dowlad goboleedka Galmudug.
Gudiga ayaa shaaca ka qaaday wargalin ku aadan xisbayada iyo daneeyayaasha doorasahda inay xirantay soo gudbinta liiska murashaxiinta ka tartamaya doorashada ku celiska ah.
Gudiga ayaa faafiyay liiska ururada siyaasadeed ee iska diiwaangaliyay ka qeybgalka doorashada, liiska ururada iska diiwaan galiyay doorashada ayaa gaaraya 12 urur siyaasadeed.
Urur Siyaasadeedka Towfiiq ee uu hogaamiyo madaxii hore ee xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo qeyb ka ahaa ururada u tartamaya doorashada isku sidkan ee Galmudug ayaan ka soo muuqan liiska ururada la shaaciyay inay u tartamayaan doorashada dowlad goboleedka Galmudug.
Ururka Towfiiq ayaa horay u qaadacay natiijada doorashadii ka dhacday Galmudug 30 ka bishii July isagoo dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare ee dalka 10 ka bishii hore August.

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa laashay doorashada gabi ahaanba natiijadii ka soo baxday doorashadii isku sidkaneyd ee ka dhacday dowlad goboleedka Galmudug 24 ka isla bisha August, iyadoo gudiga doorashooyinka fartay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda loo maray sharciyada u dagsan gudiga doorashooyinka.
Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soohdimaha Qaranka ayaa iyagu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ku laashay doorashadii Galmudug laba maalmood kadib go’aanka Maxkamadda.
Gudiga Doorashooyinka ayaa soo saaray jadwal doorasho ku celis ah oo ka qabsoomeysa dowlad goboleedka Galmudug 31 ka bishii tagtay ee August.
Jadwalka doorashada ee uu gudigu shaaciyay ayaa ahaa mid muddo bil ah u asteenayay howlaha doorashada ku celiska ah hase yeeshee urur siyaasadeedka Towfiiq ayaa ka soo horjeestay jadwalka gudigu shaaciyay isagoo ku tilmaamay mid baal marsan sharciga.

