Friday, October 30, 2026

Madaxweynihii Serbia Aleksandar Vucic Oo Is Casilay

Share

Belgrade, Serbia – Madaxweynihii dalka Serbia Aleksandar Vucic ayaa iska casilay xilka madaxweynaha dalkaas, iyadoo iscasilaadiisa ay ku soo aadeyso ku dhawaad 7 bilood ka hor inta aanu idlaan muddo xileedkiisa labaad ee uu joogo xafiiska.

Sida uu dhigayo dastuurka Serbia; waa in doorashada madaxweynaha lagu qabtaa muddo 3 bilood gudohood ah marka uu xafiisku banaanaado.

Iscasilaada Aleksandar Vucic ayaa timid xilli ay Serbia ku soo wajahantahay doorashada baaralamaanka oo la filayo inay dhacdo 25 ka bisha soo socota ee October markaas oo uu gudoomiyaha baarlamaanka Ana Brnabić  qaadanayo waajibaadka madaxweynaha.

Iscasilaada Alkesandar Vucic ayaa sidoo kale suurta galin karta inuu kusoo laabto xafiiska fulinta isagoo noqonaya ra’iisul wasaare haddii xeradiisa siyaasadeed ay awood u yeelato inay dhisto dowlad ka dib doorashada baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee, doorkiisa mustaqbalka wuxuu ku xirnaan doonaa natiijada doorashada iyo habka dhismaha dowladda ee xiga.

Vucic ayaa sheegay inuu damacsanyahay inuu ka qeyb qaato ololaha doorashada baarlamaanka kadib marka uu ka tago xilka madaxweynaha.

Aleksandar Vucic ayaa sidoo kale iscasilaadiisa timid kudhawaad laba sano, dibad bax ay horseed u ahaayeen arday kuwaas oo banana baxoodu daba socday kadib burburkii xaruntii wadada tareenka Canopy ee Novi Sad ee ay ku dhinteen 16 qof.

Burburka xarunta tareenka ayaa diirad u noqotay banana baxayaasha kuwaas oo dalbanayay isla xisaabtan iyo doorashooyin la qabto, kooxaha mucaaradka ah iyo mudaharaadayaasha ayaa ku xiray burburka eedeymo la xiriira iyo kormeer aan ku filnayn, ayaa lagu tilmaamay mas’uuliyiinta Serbia inay ka soo jeedaan.

Aleksandar Vucic ayaa ra’iisul wasaare ka noqday Serbia sanadkii 2014 ka, si lamid ahna madaxweyne sanadkii 2017 ka isagoo noqday qof si weyn uga dhex muuqda siyaasada dalka Serbia.

Read more

Local News