Muqdisho, Soomaaliya — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqalka Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga danjirenimo kaga gudoomay safiirka dalka Turkiga u fadhin doona Soomaaliya Ferhat Alkan iyo safiirka Midowga Yurub u fadhin doona Soomaaliya Laszlo Mathe.
Safiirka cusub ee Turkiga ayaa badalaya safiirkii hore ee Alper Aktas halka safiirka cuusb ee Midowga Yurub uu badalayo safiirkii hore Francesca Di Mauro.
Sida lagu faafiyay mareegta Villa Soomaaliya ee Facebook madaxweynaha ayaa labada safiir lawadaagay guulaha Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, dimuqraadiyada, dowlad dhiska iyo horumarinta dalka, iyagoo dhankooda safiirada cusub madaxweynaha soo gaarsiiyay salaam iyo fariimo ay ka sideen madaxdooda iyagoo bogaadiyay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ka gaartay dowlad dhiska amniga iyo horumarinta dalka.
Safiirada Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa si weyn uga dhex muuqda safiirada dalalka caalamka ee Soomaaliya kusugan iyagoo kaalin laxaad leh ku leh dimuqraadiyada iyo korjoogteynta dowlad dhiska Soomaaliya.
Safiiradan ayaa sidoo kale kala dhexgala siyaasiyiinta u hanqaltaagaya xilalka ugu sareeya dalka iyagoo xarunta ay Muqdisho ka daganyihiin ee Xalane shir ugu qabta Xubnaha Mucaaradka Soomaaliya iyo dowladda federaalka.

