Paris, France – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in la dejiyo xaaladda kaddib rabshado waaweyn oo dalka ka dhacay, kuwaas oo sababay burbur hantiyeed, boob ganacsiyo iyo kumannaan qof oo la xiray, dibadbaxyada ayaa ka dhashay sare u kaca qiimaha nolosha iyo hoos u dhaca adeegyada dadweynaha.
Rabshado cusub ayaa Axaddii ka dhacay Paris iyo Marseille, halkaas oo booliiska rabshadaha ka hortaga ay isku dhaceen dibadbaxayaasha, iyagoo adeegsanayay sunta dadka ka ilmeysiisa. Dowladda ayaa sheegtay in kooxo rabshado wada ay ka faa’iideysteen dibadbaxyada si ay u dhacaan dukaamo una weeraraan xarumaha dadweynaha.
Macron ayaa khudbad uu telefishinka ka jeediyay ku sheegay in rabshadaha iyo burburinta hantida aan la aqbali karin, balse uu qiray in dadka si nabad ah u mudaharaadaya ay leeyihiin cabashooyin sharci ah. Wuxuu intaas ku daray in dowladda ay awood u yeelan doonto inay mamnuucdo dibadbaxyada khatar gelinaya dhismayaasha dadweynaha iyo ganacsiyada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Laurent Nunez ayaa sheegay in booliisku ay dalka oo dhan ku xireen 2,400 qof, halka ku dhowaad 1,000 askari ay dhaawacmeen. Hal qof ayaa sidoo kale dhintay kaddib markii wadnuhu istaagay intii ay socdeen dibadbaxyada Paris. Magaalada Limoges, dab ayaa baabi’iyay qayb ka mid ah xarunta dowladda hoose, iyadoo duqa magaalada uu dalbaday dhaqaale lagu dayactiro.
Dibadbaxyada Sabtidii ayaa waxaa ka qaybgalay in ka badan nus milyan qof, kuwaas oo ka cabanayay sicir-bararka iyo adeegyada dadweynaha oo sii xumaanaya. Boobka iyo burburka ayaa saameeyay boqolaal ganacsi, iyadoo shirkadda Carrefour ay sheegtay in 50 dukaan ay waxyeello gaartay, 20 ka mid ahna la dhacay. Dowladda ayaa ballanqaadday inay taageeri doonto ganacsatada khasaaraha soo gaaray, isla markaana ay la xisaabtami doonto dadka burburka geystay.

