Bamako, Mali – Hay’adda “Human Rights Watch” ayaa ku eedeysay ciidamada Mali iyo kooxda Ruushka ee Africa Corps inay fuliyeen duqeymo aan kala sooc lahayn oo sababay dhimashada dad rayid ah, xilli ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan. Warbixinta la baahiyay Isniintii ayaa sidoo kale lagu xusay tacaddiyo kale oo dhacay bilihii u dambeeyay.
Xog ay hay’adda ACLED ururisay ayaa muujisay in ciidamada Mali iyo Africa Corps ay intii u dhexeysay Abriil iyo Agoosto fuliyeen 47 duqeyn oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, kuwaas oo ay ku dhinteen 94 qof oo rayid ah. Tiradani waxay ka badan tahay laba jibbaar marka loo eego isla muddadii sanadkii hore, markaas oo la diiwaangeliyay 22 duqeyn iyo 44 dhimasho.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in duqeymaha qaarkood lagu beegsaday goobo rayidku isticmaalaan, sida suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla gobolka Bandiagara, halkaas oo lix nin lagu dilay 19-kii Agoosto. Sidoo kale, duqeyn dhacday 29-kii Luulyo ayaa haleeshay xarun caafimaad oo ku taalla gobolka Kidal ee waqooyiga Mali, sida ay sheegtay hay’addu.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in xadgudubyo kale ay dhaceen intii ay socdeen howlgallada milatari. Sida ay sheegtay Human Rights Watch, askar ka tirsan ciidamada Mali ayaa 12-kii Luulyo gobolka Segou ku dilay shan gabdhood oo da’yar, kaddib markii ay si khaldan ugu maleeyeen inay ahaayeen dagaalyahanno. Milatariga Mali kama jawaabin codsi faallo ah, balse dowladda ayaa hore u diidday inay dad rayid ah ku disho howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Dhanka kale, Human Rights Watch ayaa sidoo kale xadgudubyo ku eedeysay kooxda JNIM ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo kooxaha gooni-u-goosadka Tuareg. Hay’addu waxay sheegtay in 19 askari lagu dilay gobolka Gao bishii Luulyo, iyadoo JNIM ay xaqiijisay in dilalku dhaceen balse ay diidday inay amartay. Jabhadda Xoreynta Azawad ee Tuareg ayaa iyaduna beenisay inay mas’uul ka ahayd dilka askarta.

