Dhuusamareeb, Galmudug – Doorashada hogaamiyaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaa Khamiista maanta ah ka dhacday magaaladda Dhuumareeb ee caasimadda Galmudug.
Doorashada kursiga hogaamiyaha Galmudug oo ay ku tartamayeen laba murashax oo kala ah Cabduqaadir Cabdullaahi Diiriye iyo Liibaan Axmed Xasan halka ku xigeenka hogaamiyaha Galmudug oo ay ku tartamayeen laba murashax oo kala ah Cabdisataar Maxamed Geelle iyo Cabdiwali Ibraahim Garyare ayaa maanta ka dhacday magaaladda Dhuusamareeb.
Liibaan Axmed Xasan oo u tartamayay hanashada hogaamiyaha maamulka Galmudug ayaa helay codad dhan 72 cod halka murashaxii la tartamayay ee Cabduqaadir Cabdullaahi Diiriye uu helay 14 cod halka sadex cod oo kalana ay halaabeen wadarta xildhibaanada Golaha Wakiilada Galmudug oo dhan 89.
Dhanka kale Cabdiwali Ibraahim Garyare ayaa ku guuleystay kurshiga ku xigeenka hogaamiyaha Galmudug isagoo helay codad gaaraya 64 cod halka murashaxii la tartamayay ee Cabdistaar Maxamed Geelle uu helay 20 cod halka saddex kalana ay halaabeen.
Doorashada Galmudug oo in muddo ah soo jiitameesay ayaa si rasmi ah u soo gaban gabowday iyadoo masuuliyiinta ugu sarreysa dalka ay hambalyo u direen masuuliyiinta loo doortay maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray masuuliyiinta ku guuleystay doorashada ka dhacday Galmudug.
Dhankiisa madaxweynaha ka dagaya xilka Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa u tahniyadeeyay hogaamiyaha cusub ee Galmudug iyo ku xigeenkiisa isagoo alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyada ay qaadeen, Qoor qoor ayaa ceynaanka u hayay dowlad goboleedka Galmudug tan iyo bishii February 2020 ka.
Hogaamiyayaasha maamulada Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari iyo sidoo kale siyaasiyiin horay u soo qabtay xilalka ra’iisul wasaare, madaxweyne maamul goboleed iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa hambalyo u diray maamulka cusub ee loo doortay Galmudug.
Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo masuul ka ahaa doorashada Galmudug ayaa hadda qorsheynaya dhameystirka doorashada dowlad goboleedka Hirshabeelle iyadoo ay soo idlaatay howshii doorashada Galmudug.

