Kulan Afar Geesood Ah Oo U Dhexeeya Iran, Turkiga, Sacuudiga Iyo Pakistan Oo Ka Furmay Tehran
Tehran, Iran – Kulan afar geesood ah oo u dhexeeya dalalka Iran, Turkiga, Sacuudiga yo Pakistan ayaa ka furmay caasimadda Iran ee Tehran, wadahadalo la filayo in diiradda lagu saaro amniga gobolka, iyo howlaha Israel ee gobolka.
Kulankan ayaa oo marti galiyay Xoghayaha Golaha Amniga Qaranka Sare ee Iran Rezaei ayaa kulmiyay waftiyo ka socda dalalka Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan.
Kulankan ayaa inta uu socdo waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian iyo wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Aragchi, dalka Turkiga uu shirkan ku matali doono agaasimaha hay’adda Nabadsugida Turkiga Ibrahim Kalin, Sacuudigana waxaa ku matali doona wasiirka difaaca Khalid Bin Salman, halka Pakistan uu shirka ku matali doono Asim Munir oo ah taliyaha Ciidanka difaaca Pakistan.


