Muqdisho, Soomaaliya — Madaxweynaha jamhuuriadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad u fidiyay qaar kamid ah siyaasiyiinta dhaliilsan nidaamka doorasho ee uu qaatay.
Madaxweyne Xasan ayaa ku martiqaaday xisbiga Nabad iyo iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka ah gogol wadatashi oo soconeysa muddo afar maalmood ah taasoo furmeysa 14 ka bisha November kuna eg 18 ka November.
Madaxtooyada Soomaaliya oo baahisay qoraalka casuumaada wadatashiga ee xubnaha xisbiyada kor ku xusan ku sheegtay in ujeedkeedu yahay in si wadajir ah looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka federaalka, si ku dhisan is-afgarad iyo isu-tanaasul.
Maamulada Puntland iyo Jubaland oo iyagu qeyb ka ah Golaha Mustaqbalka ayaan si gaar ah loogu casuumin iyagoo hormuud u ah siyaasiyiinta dhaliilsan hanaanka uu madaxweynaha Soomaaliya ku wajahayo doorashooyinka dalka.
Wadatashiga uu madaxweyne Xasan Sheekh ugu yeeray xisbiyadan ayaa imaanaya xilli uu habeenkii xalay ahaa qabtay shir jaraa’id oo u kaga hadlayo xaalada dalka iyo doorashooyinkii ka dhacay dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa sheegay inaanu diidaneyn wadatashi uu la yeesho dhinacyada mucaaradsan isagoo cadeeyay inay dowladdu diyaar u tahay wadahadal iyo isu tanaasul.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka iyo waxgaradka Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta qaranka kana fogaadaan waxkasta oo dhaawici kara xasiloonida iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.
