Beijing, China – Suldaanka Saldanada Cumaan Suldaan Haitham Bin Tarik Al Said sidoo kalana ah ra’iisul wasaaraha Cumaan ayaa la filayaa inuu booqasho laba maalmood ah ku tago Jamhuuriyadda dadka Shiinaha.
Suldaan Haitham ayaa booqashadiisa Shiinaha ee 01 da – 02 da November imaaneysa ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping sida ay ku warantay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha.
Booqashada suldaanka Cumaan ee Shiinaha ayaa imanaya xilli uu halkiisa ka sii socdo dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israel iyo Iran kaas oo soo bilowday bishii February ee sanadkan.
Shiinaha iyo Cumaan ayaa aas aasay xiriiro diblomaasiyadeed bishii May kuwaas oo ay ku balaarinayaan dhaqaalaha iyo iskaashiga ganacsiga labada dal, iyadoo Cumaan ay tahay wadanka ganacsiga ugu badan la wadaaga Shiinaha guud ahaan wadamadda Khaliijka.
Cumaan ayaa sidoo kale ah wadanka Shanaad ee Shiinaha u dhoofiya saliida ceyriinka ah iyo sidoo kale wadanka afaraad ee bahwadaagga ganacsi la ah guud ahaan wadamadda Carabta iyadoo mugga Ganacsi ee Shiinaha iyo Cumaan uu gaaray sanadkii 2024ka 36.73 billion.

