Thursday, November 12, 2026

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Sonkorowga oo Muqdisho Lagu Qabtay

Share

Mogadisho, Somalia – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, oo kaashanaysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Sonkorowga iyo socodka wacyigelinta cudurka sonkorowga ee sannadka 2026.

Socodka ayaa billowday 5:30 aroornimo, waxaana ka qaybgalay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan, iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir. Socodku wuxuu ka bilowday Daljirka Dahsoon, iyadoo ka qaybgalayaashu lug ku gaareen Xeebta Liido, halkaas oo uu ku soo dhammaaday.

Munaasabadda oo hal-ku-dhegeedu ahaa “Early Action on Diabetes” (Tallaabo Hore oo Lagaga Hortagayo Sonkorowga), ayaa ujeeddadeedu ahayd kor u qaadista wacyiga bulshada ee ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka sonkorowga, dhiirrigelinta baaritaanka hore iyo muhiimadda ay leedahay qaadashada hab-nololeed caafimaad leh.

Socodkan ayaa sidoo kale lagu baraarujinayay bulshada halista cudurka sonkorowga iyo baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada wacyigelinta, ogaanshaha hore iyo ka hortagga cudurkan oo saameyn ku yeelan kara caafimaadka iyo tayada nolosha dadka.

Labada wasaaradood ayaa bulshada, gaar ahaan dhallinyarada iyo bahda caafimaadka, ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan horumarinta caafimaadka bulshada, iyagoo xoojinaya wacyigelinta iyo dhiirrigelinta hab-nololeed caafimaad leh.

Read more

Local News