Home Federaalka Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Magacaabista Mas’uuliyiin Cusub Iyo Siyaasado Qaran

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Magacaabista Mas’uuliyiin Cusub Iyo Siyaasado Qaran

0

Mogadisho, Somalia – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka, amniga, siyaasadda iyo horumarka dowladda. Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay heshiisyo, siyaasado qaran iyo magacaabista mas’uuliyiin hoggaamin doona hay’ado dowladeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulanka ka jeediyay khudbad uu ku bogaadiyay doorashooyinkii qof iyo cod ee dalka ka dhacay, isaga oo ku tilmaamay guul muhiim u ah dowlad-dhiska. Waxa uu sidoo kale ka digay in la caadiyeeyo kooxaha argagixisada, isagoo sheegay in arrintaasi ay keeni karto khatar amni. Dhanka kale, waxa uu sheegay in xaaladda amniga dalka ay wanaagsan tahay, ciidanka xoogga dalkuna ay gudan karaan waajibaadkooda.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale sheegay in wadahadallada la xiriira arrimaha doorashada ay socdaan, isla markaana gogosha dowladda ay weli furan tahay, isagoo xusay in go’aan kasta lagu salayn doono dastuurka iyo xeerarka dalka. Intii uu kulanku socday, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan taageerada farsamo iyo tababarrada la siiyay mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, halka maamulka xarunta adeegyada mideysan ee Halmeel uu ka warbixiyay hawlaha lagu hawlgelinayo xarunta.

Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Faysal Maxamed Xaashi inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dakhliga Qaranka, Khadar Maxamuud Xareedna Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka. Sidoo kale, Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa loo magacaabay Maareeyaha Hay’adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Qaranka, halka Dr. Faarax Maxamed Sharaawe loo magacaabay Maareeye Ku-xigeenka hay’addaas.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Waxbarashada Farsamada iyo Tababarka Xirfadaha, Siyaasadda Qaran ee Kafaalada Carruurta Soomaaliyeed iyo Siyaasadda Qaran ee Nidaaminta Arrimaha Hijrada. Waxa kale oo la meel mariyay heshiis is-afgarad oo dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga adeegyada bulshada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version