Home Federaalka Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galay Madasha Nabadda Paris

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galay Madasha Nabadda Paris

0

Paris, France – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb gashay Madasha Nabadda Paris ee sannadka 2026, taas oo kulmisa madax, mas’uuliyiin dowladeed iyo wakiillo ka socda hay’ado caalami ah, si ay uga wada hadlaan caqabadaha waaweyn ee dunida ka jira iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Soomaaliya waxaa madasha ku matalay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, iyo Cabdixakiin Caynte, Agaasimaha Isbeddelka Cimilada iyo Sugnaanta Cuntada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday shirka, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ka qayb galay dood cinwaankeedu ahaa “Children First: Making the Case for Investing in Children”, taas oo diiradda lagu saaray muhiimadda maalgashiga carruurta iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Saalax Axmed Jaamac ayaa doodda ku adkeeyay baahida loo qabo maalgelin joogto ah oo la saadaalin karo, si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka carruurta iyo tallaalka Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay arrimahan mudnaan siisay, inkastoo ay jiraan caqabado dhaqaale.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay ka mid noqotay dalalka saxiixay Baaqa Carruurta (Children First Declaration), kaas oo lagu daahfuray madasha 10-kii Nofeembar 2026. Ka qaybgalka Soomaaliya ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo ka qaybqaadashada wadahadallada lagu wajahayo caqabadaha dunida.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version