Antalya, Turkey – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa heshiis is-afgarad la saxiixatay dhiggeeda Turkiga, Mahinur Özdemir Göktaş, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee adeegyada bulshada iyo ilaalinta qoyska.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya xoojinta wada-shaqeynta labada wasaaradood, is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha ku saabsan horumarinta adeegyada bulshada, ilaalinta qoysaska iyo adkeynta qaab-dhismeedka bulshada.

Sidoo kale, heshiiska ayaa dhigaya iskaashi ku saabsan ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta, ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, badbaadinta carruurta khataraha ka jira deegaannada dhijitaalka ah iyo horumarinta adeegyada daryeelka dadka naafada ah iyo waayeelka.
Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi ayaa sheegtay in heshiiskani muhiim u yahay horumarinta adeegyada bulshada ee Soomaaliya, iyadoo xustay in dalku ka faa’iidaysan doono khibradaha Turkiga ee dhinacyada ilaalinta qoyska iyo xuquuqda haweenka, carruurta iyo dadka nugul. Waxay sidoo kale tilmaantay in labada dhinac ay iska kaashan doonaan tababarrada, shirarka iyo is-weydaarsiga khubarada.
Dhanka kale, wasiirka ayaa kulan dhinac socday shirka COP31 kaga hadashay saameynta isbeddelka cimilada ku leeyahay qoysaska Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha. Waxay ku baaqday in maalgelinta cimiladu gaarto bulshada nugul, haweenkana laga qaybgeliyo dejinta siyaasadaha cimilada, iyadoo la xoojinayo barnaamijyada badbaadada bulshada iyo taageerada qoysaska ay saameeyaan masiibooyinka dabiiciga ah.

