Shanghai, China – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay booqasho shaqo oo toban maalmood ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda, Gamal Mohamed Hassan, taas oo ujeeddadeedu ahayd xoojinta xiriirka ganacsi, maalgashi iyo iskaashiga warshadaha ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Intii booqashadu socotay, Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay xarun qaran ka furtay Bandhigga Caalamiga ah ee Wax-soo-dejinta Shiinaha (CIIE) ee magaalada Shanghai, halkaas oo lagu soo bandhigay badeecadaha dalka sida sisinta, fooxa, malmalka iyo macdanta. Wafdigu wuxuu sidoo kale kulan la yeeshay hay’adda CIPS, kaas oo looga hadlay fududeynta hababka lacag-bixinta ganacsatada Soomaaliyeed.
Gobolka Zhejiang, wafdigu wuxuu ka qaybgalay Shirweynaha Iskaashiga Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Dhaqanka Shiinaha iyo Afrika ee magaalada Yiwu. Wasiirka ayaa sidoo kale halkaas ka daahfuray Madasha Iskaashiga Ganacsiga iyo Warshadaynta Soomaaliya iyo Shiinaha, oo ay ka qaybgaleen ku dhowaad 300 oo ganacsato, maalgashadayaal iyo mas’uuliyiin. Wafdigu wuxuu intaas dheer booqday xarumo ganacsi iyo Dekedda Caalamiga ah ee Ningbo-Zhoushan, halkaas oo lagu soo indha-indheeyay horumarinta dekedaha, farsamaynta kalluunka iyo fursadaha canshuur-dhaafka ee Shiinuhu u fidiyo dalal ay Soomaaliya ku jirto.
Magaalada Beijing, wafdigu wuxuu booqday Aagga Warshadaha ee Iskaashiga Shiinaha iyo Jarmalka ee degmada Shunyi, oo ay ka howlgalaan shirkado caalami ah, waxaana sidoo kale kulan lala yeeshay Maamulka Kastamka Shiinaha. Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas ayaa martigelisay kulan dib loogu eegay waxyaabihii ka soo baxay booqashooyinka Shanghai, Yiwu, Ningbo iyo Beijing.
Booqashada waxaa qayb ka ahaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasaarado kala duwan oo dowladda ka tirsan, Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa uga mahadcelisay safaaradda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Shiinaha soo dhaweynta iyo taageerada ay bixiyeen, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonto dabagalka fursadaha ganacsi, maalgashi iyo iskaashiga warshadaha ee ka dhashay safarka.