Home Federaalka Wafdi Soomaaliyeed Oo Ka Qaybgalay Tababar Caalami Ah Oo Ku Saabsan Maamulka...

Wafdi Soomaaliyeed Oo Ka Qaybgalay Tababar Caalami Ah Oo Ku Saabsan Maamulka Iyo Habraacyada Xajka

0

Jeddah, Saudi Arabia – Wafdi ka socda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Jiddah kaga qaybgalay tababar caalami ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta maamulka iyo adeegyada Xajka.

Tababarka oo ay ka qaybgaleen wakiillo ka kala socday dalalka Islaamka ayaa lagu soo bandhigay habab lagu sare u qaadayo hufnaanta howlaha Xajka, tayeynta adeegyada xujeyda iyo hagaajinta isku-duwidda shaqada xilliga gudashada waajibaadka Xajka.

Wafdiga Soomaaliya ayaa si firfircoon uga qaybqaatay kulammada tababarka, iyaga oo la wadaagay wakiillada dalalka kale khibradaha iyo aragtiyaha la xiriira maamulka Xajka iyo adeegyada ay Soomaaliya u qabato xujeydeeda.

Tababarkan oo socday afar maalmood ayaa la qabtay ka hor shirka lixaad ee caalamiga ah ee arrimaha Xajka. Gabagabadii, xubnaha wafdiga Soomaaliyeed ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin caddeynaya ka qaybgalka iyo dhammaystirka tababarka.

Ka qaybgalka tababarkan ayaa la filayaa inuu Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka u kordhiyo aqoonta iyo waayo-aragnimada maamulka Xajka, taas oo gacan ka geysan karta horumarinta iyo tayeynta adeegyada loo fidiyo xujeyda Soomaaliyeed sannadaha soo socda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version