Home DIBADDA Madaxda Shiinaha Iyo Japan Oo Isku Gacna Qaaday Magaaladda Shenzhen

Madaxda Shiinaha Iyo Japan Oo Isku Gacna Qaaday Magaaladda Shenzhen

0

Shenzhen, China – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo ra’iisul wasaaraha Japan Sanae Takaichi ayaa is gacan qaaday Arbacada maanta ah intii lagu jiray shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga (APEC) ee ka dhacay Shenzhen, iyadoo xiisado kacsan ay ka dhasheen hadallo sannadkii hore ka soo yeeray ra’iisul wasaaraha Japan, sida ay sheegayaan warbaahinta.

Takaichi, oo ka degtay magaalada koonfurta Shiinaha horraantii maanta, uma badna inay wadahadal la yeelato Xi, inkastoo ay sheegtay inay “furan tahay” wadahadal ay la yeelato dhinaca Shiinaha, sida ay ku warantay Kyodo News oo fadhigeedu yahay Tokyo.

Safarka Takaichi ee Shiinaha ayaa noqonaya kii ugu uhoreeyay tan iyo markii timid xafiiska bishii October sanadkii hore ee 2025 ka.

Isgacan-qaadka Takaichi iyo Xi ayaa ka dhacay munaasabad soo dhaweyn ah oo uu Xi u qabtay hoggaamiyeyaasha shisheeye ee ka qaybgalaya shirka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version