Shenzhen, China – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa wadahadalo gaar gaar ah la yeesahay madaxda kasoo qeyb gashay shirka wadamada Asia Pacific ee loo soo gaabiyo APEC kaas oo lagu qabtay magaaladda Shenzhen ee dalka Shiinaha.
Xi Jinping ayaa wadahadal la yeeshay dhowr hogaamiye Jimcaha maanta ah kuwaas oo ay kamid yihiin madaxweynaha Indonesia Prabowo Subianto, ra’iisul wasaaraha Singapore Lawrence Wong, ra’iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese, ra’iisul wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim iyo ra’iisul wasaaraha Thailand Anutin Charnvirakul.
Intii lagu guda jiray kulankii uu la yeeshay Prabowo, Xi iyo hogaamiyaha Indonesia ayaa si wadajira ugu dhawaaqay in la bilaabay wada xaajoodka iskaashi dhaqaale oo dhamaystiran oo laba geesood ah, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Xinhua.
Xi ayaa ku booriyay labada dal in ay “xoojiyaan xiriirka istiraatijiyadeed iyo wadajirka, qoto dheeraynta iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhinac walba ah, adkaynta aasaaska kalsoonida siyaasadeed, iyo in ay si wada jir ah u ilaaliyaan ugana jawaabaan khataraha dibadda”.
Shirkan uu marti galiyey Xi ayaa waxaa barbar socday mid saddex geesood ah kaasoo u dhexeeyay madaxda Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo isla magaaladda Shenzhen ka dhacacay
