Home DIBADDA Ciidanka Badda Ukraine oo xeebaha Liibiya ku weeraray Markab Ruushka leeyahay

Ciidanka Badda Ukraine oo xeebaha Liibiya ku weeraray Markab Ruushka leeyahay

0

Ukraine – Dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay howlgal milatari oo ka dhacay xeebaha dalka Liibiya ku burburisay markab dagaal oo Ruushku leeyahay oo lagu magacaabo Merkury, kaas oo la sheegay inuu halkaas ka waday sahayda shidaalka iyo agab kale.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay in howlgalka lagu fuliyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones), isagoo xusay in Ukraine ay beegsanayso maraakiibta dagaalka ee Ruushka meel kasta oo ay ka hesho fursad ay ku weerarto.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aan weli la helin xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan burburka markabka, kaas oo la sheegay inuu ku sugnaa meel u dhow magaalada Benghazi ee bariga Liibiya.

Zelenskyy ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu burburiyay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee Ka-27 oo Ruushku leeyahay, halka markab kale oo xamuul ah oo lagu magacaabo MV Angara, kaas oo Ukraine ay ku eedeysay inuu hub u siday Ruushka, uu isna ku burburay weerarka.

Markabka Merkury ayaa la sheegay inuu ka mid yahay maraakiibta casriga ah ee ciidamada badda Ruushka, waxaana la sameeyay sannadkii 2023. Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in weerarradani qayb ka yihiin dadaalladeeda lagu wiiqayo awoodda milatari iyo sahayda dagaal ee Moscow.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version