Home DIBADDA Erdoğan oo Saxiixay Heshiis Ka Badan $6 Milyan oo Lagu Dhisayo Safaaradda...

Erdoğan oo Saxiixay Heshiis Ka Badan $6 Milyan oo Lagu Dhisayo Safaaradda Soomaaliya ee Ankara

0

Ankara Turki – Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa saxiixay heshiiska deeqda lagu maalgelinayo dhismaha Safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Ankara, kaas oo ku kacaya in ka badan $6 milyan.

sidoo kale, Soomaaliya ayaa si rasmi ah u yeelan doonta dhul cabbirkiisu yahay 4,918 mitir oo laba jibbaaran, kaas oo ku yaalla deegaanka Kızılcaşar, degmada Gölbaşı ee Ankara. Dowladda Türkiye ayaa maalgelinaysa dhismaha xarunta safaaradda oo baaxaddeedu gaareyso ilaa 3,000 mitir oo laba jibbaaran.

Dhanka kale, dhulkan ayaa Soomaaliya ku heshay heshiis is-weydaarsi dhul oo labada dal kala saxiixdeen 2019, kaas oo Soomaaliya dhul dhan 61,222 mitir oo laba jibbaaran oo ku yaalla xeebta Liido ee Muqdisho ku wareejisay Türkiye, iyadoo beddelkeeda la siisay dhul ku yaalla Ankara.

Mashruuca dhismaha safaaradda ayaa salka ku haya heshiis iskaashi oo labada dal kala saxiixdeen 2022, waxaana sidoo kale Baarlamaanka Türkiye uu ansixiyay heshiiska deeqda lagu maalgelinayo dhismaha.

Ugudambeyntii, marka la dhammeeyo dhismaha safaaradda, xarunta cusub ayaa si rasmi ah u noqon doonta hanti ay leedahay dowladda Soomaaliya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version