Wednesday, November 25, 2026

Ciidanka Mareykanka Iyo Danab Oo Howlgal Ka Fuliyey Deegaanka Leego

Share

Baydhabo, Somalia – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo taageero ka helaya Mareykanka, ayaa howlgal cirka ah ka fuliyey deegaanka Leego iyo goobo kale oo ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Wararka laga helayo howlgalka ayaa sheegaya in duqeynta lagu burburiyey goobo ay kooxda u adeegsan jirtay keydinta hubka iyo agabka loo isticmaalo sameynta qaraxyada, kuwaas oo ay ku diyaarin jirtay weerarrada ay qorsheynaysay.

Sidoo kale, goobaha la beegsaday ayaa la sheegay inay ku jireen walxaha qarxa oo qaarkood dhulka lagu aasay, halka kuwo kalena la diyaarinayey, kuwaas oo la sheegay in loogu talagalay in lagu waxyeelleeyo shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddada isku xirta gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada milatari ee ay ciidamada Danab iyo saaxiibada Mareykanka ka wadaan deegaannada ay Al-Shabaab ku sugan tahay, iyadoo diiradda la saarayo burburinta xarumaha ay u adeegsato hubka, qaraxyada iyo abaabulka weerarrada.

Ciidamada dowladda ayaa sii wada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in laga hortago weerarrada kooxda iyo in la xoojiyo amniga waddooyinka iyo deegaannada ay ku nool yihiin shacabka.

Read more

Local News