Sunday, November 29, 2026

Ciidanka Milateriga Suudaan oo Dib Ula Wareegay Deegaano Muhiim Ah

Share

Sudan – Ciidanka Milatariga Suudaan iyo xoogagga taageeraya ayaa dib ula wareegay deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Niilka Buluugga ah, kaddib howlgallo milatari oo ay ku qaadeen fariisimaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Suudaan, garabka Waqooyi.

Ilo milatari ayaa sheegay in ciidanku dib u qabsaday deegaannada Samsuur iyo Suuda, iyo fariisimo ku yaalla tuulooyinka 11 iyo 12 ee gobolka Baw. Howlgallada dhulka waxaa barbar socda duqeymo xooggan oo ay fulinayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin xoogagga iska soo horjeeda.

Ciidanka Suudaan ayaa sidoo kale wada dadaallo lagu sugayo amniga magaalooyinka Damaaziin iyo Ruseyris, oo muhiimad istaraatiiji ah u leh gobolka.

Gobolka Baw ayaa muhiimad gaar ah leh, maadaama uu ku dhow yahay xuduudda Itoobiya iyo biyo-xireenka Ruseyris, oo ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee korontada biyaha laga dhaliyo dalka Suudaan. Dowladda ayaa la sheegay inay gobolka u dirtay ciidamo dheeraad ah si ay u xoojiyaan howlgallada socda.

Read more

Local News