Mogadisho, Somalia – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daahfuray Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta, kaas oo loogu talagalay in lagu hagaajiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac. Habraacan waxaa diyaarisay Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA, iyadoo taageero ka heleysa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo hay’adda IMS.
Munaasabadda daahfurka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradda Warfaafinta, Booliiska, culimada, bulshada rayidka ah iyo ururrada warbaahinta. Xoghayaha Guud ee SOMA, Maxamed Cabdulwahaab, ayaa sheegay in habraacani uu saldhig u noqonayo xoojinta xiriirka, is-fahamka iyo wada-shaqeynta u dhexeysa booliiska iyo suxufiyiinta.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa dhankiisa sheegay in diyaarinta habraacu ay soo martay kulammo iyo wadatashiyo kala duwan, kuwaas oo labada dhinac ay uga wada hadleen sidii loo heli lahaa hannaan mideeya shaqadooda, isla markaana lagu gaaray is-faham wanaagsan.
Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa ammaanay SOMA iyo Booliiska Soomaaliyeed dadaalka ay geliyeen diyaarinta habraacan. Waxa uu tilmaamay in warbaahin ku shaqeysa xirfad iyo masuuliyad, iyo booliis ilaaliya amniga iyo badqabka suxufiyiinta, ay door muhiim ah ka qaataan dhowrista xorriyadda hadalka, helitaanka xog lagu kalsoonaan karo iyo xasilloonida bulshada.
Wasiirka ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga iyo warbaahinta inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isla markaana la fududeeyo helitaanka xogta rasmiga ah. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbaahintu xaqiijiso macluumaadka ay baahiso, kana shaqeyso ilaalinta anshaxa xirfadeed. Ugu dambeyn, waxa uu sheegay in Wasaaraddu diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato sidii habraacan loogu beddeli lahaa nidaam sharci ah oo lagu dabaqo dhammaan hay’adaha amniga iyo warbaahinta dalka.

