Boosaaso, Somalia – Lix nin oo hubeysan ayaa la sheegay inay gudaha u galeen markab ganacsi oo marayay Gacanka Cadmeed, meel qiyaastii 120 mayl-badeed u jirta waqooyi-galbeed magaalada Boosaaso. Dhacdadan ayaa la diiwaangeliyay Sabtidii, 28-kii November, sida ay sheegtay Xarunta Amniga Badaha ee Badweynta Hindiya (MSCIO).
Warbixin ay xaruntu soo saartay ayaa lagu sheegay in dhacdadu ay dhacday abbaaro 06:55 subaxnimo xilliga caalamiga ah ee GMT, iyadoo markabku ku sugnaa meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya. Goobta dhacdada ayaa lagu sheegay isku-duwidda juqraafiyeed ee 12°52′N iyo 047°58′E.
Shaqaalaha markabka ayaa la sheegay inay galeen qol ammaan ah oo gaar u ah xaaladaha degdegga ah, kaas oo loo yaqaan Citadel. Qolkan ayaa loogu talagalay in shaqaalaha markabka ay gabaad ka dhigtaan marka ay la kulmaan weerarro hubeysan ama falal burcad-badeednimo.
Xarunta MSCIO, oo qeyb ka ah howlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub ee Atalanta, ayaa faafisay digniinta ku saabsan dhacdadan, iyadoo aan warbixinteeda ku sheegin magaca markabka, calanka uu ku safrayay iyo cidda iska leh. Sidoo kale, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan lixda nin ee hubeysan.
Ilaa waqtigii warkan la soo saaray, wax dhaawac ah lagama soo sheegin shaqaalaha markabka. Sidoo kale, lama xaqiijin in ragga hubeysan ay si buuxda ula wareegeen markabka iyo halka ay xaaladdu ku dambeysay.
