Garoowe, Somalia – Baarlamaanka Puntland ayaa Isniintii diiday wax-ka-beddelka dastuurka ee ay soo gudbisay xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, kaddib markii codbixinta ay ka muuqatay kala aragti duwanaansho u dhexeysa xildhibaannada oo ku saabsan isbeddellada lagu sameynayo nidaamka siyaasadeed iyo doorashooyinka maamulka.
Soo jeedinta ayaa heshay 40 cod oo oggolaansho ah, halka 16 xildhibaan ay diideen, labo kalena ay ka aamuseen, taasoo ka dhigtay in wax-ka-beddelku uu afar cod ka waayo tiradii 44-ka ahayd ee looga baahnaa in lagu ansixiyo. Isbeddellada la soo jeediyay ayaa taabanayay sagaal qodob oo ka mid ah dastuurka Puntland, kuwaas oo intooda badan la xiriiray doorashooyinka iyo nidaamka siyaasadeed.
Wax-ka-beddellada ayaa qeyb ka ahaa qorshaha maamulka Deni ee dib-u-habaynta doorashooyinka, gaar ahaan diyaarinta nidaamka qof iyo cod, waxaana qodobada la soo jeediyay ay khuseeyeen doorashooyinka, dhismaha axsaabta siyaasadeed, awoodaha fulinta, xuquuqda muwaadiniinta iyo xulashada hay’adaha doorashooyinka.
Codbixinta ayaa timid kaddib toddobaadyo dood iyo wadatashi ah oo ay yeesheen hay’adaha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland. Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda ayaa horay ugu baaqay in la helo wadatashi ballaaran ka hor inta aan wax laga beddelin dastuurka, iyagoo ka digay in isbeddel aan heshiis guud lagu ahayn uu sii kordhin karo khilaafaadka siyaasadeed.
Diidmada baarlamaanka ayaa dhabar-jab ku ah qorshaha dib-u-habaynta dastuurka ee Madaxweyne Deni, waxayna muujineysaa caqabadaha haysta maamulka ee ku aaddan helitaanka taageerada xildhibaannada. Arrintan ayaa sidoo kale dib u soo celinaysa khilaafaadkii siyaasadeed ee ka dhashay isbeddelladii dastuurka iyo doorashooyinka Puntland sanadkii 2023, iyadoo aan weli la ogeyn in xukuumaddu dib u habeyn ku sameyn doonto soo jeedinta ama ay wadatashi dheeraad ah la yeelan doonto dhinacyada siyaasadda.
