Home Federaalka Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka CPHIA 2026

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka CPHIA 2026

0

Addis Ababa, Ethiopia – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa khudbad ka jeediyay kulan heer sare ah oo diiradda lagu saaray hoggaaminta, isku-duwidda iyo maareynta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka, gaar ahaan dalalka wajahaya colaadaha, dhibaatooyinka bani’aadannimo iyo caqabadaha dhaqaale. Kulankan ayaa qeyb ka ahaa Shirka Caalamiga ah ee Caafimaadka Dadweynaha Afrika (CPHIA 2026).

Shirka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Uganda, Jessica Alupo, wasiirrada caafimaadka dalalka gobolka, madaxda Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Afrika (Africa CDC), wakiillo ka socday dowladaha Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo wafdi heer sare ah oo ka socday Soomaaliya.

Khudbaddiisa, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo bandhigay waayo-aragnimada dalka ee ku aaddan joogteynta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah xilliyada ay jiraan xaaladaha degdegga ah iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in adeegyada caafimaadku gaaraan dhammaan bulshada, gaar ahaan carruurta, haweenka, dadka nugul iyo dadka ku nool deegaannada ay adag tahay in la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay baahida loo qabo xoojinta awoodda nidaamka caafimaadka Soomaaliya iyo horumarinta hababka loogu diyaar garoobo xaaladaha degdegga ah, si adeegyada caafimaadku aysan u hakad gelin marka ay dhacaan cudurro dillaaca, dhibaatooyin bani’aadannimo iyo xaalado kale oo khatar ku ah nolosha bulshada. Kulanka ayaa sidoo kale lagu wadaagay khibrado iyo casharro ku saabsan isku-duwidda gurmadka caafimaadka iyo xoojinta iskaashiga dalalka Afrika.

Ka-qaybgalka Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ee shirka ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka ee lagu xoojinayo iskaashiga caafimaadka ee heer gobol iyo heer caalami, is-weydaarsiga khibradaha iyo horumarinta nidaam caafimaad oo awood u leh inuu ka jawaabo xaaladaha degdegga ah, isla markaana xaqiijiya badqabka bulshada Soomaaliyeed.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version