Home Federaalka Ciidanka Xoogga dalka oo howlgalo kawada deegannada Leego iyo Jameeco

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgalo kawada deegannada Leego iyo Jameeco

0
Shabeellaha hoose, Somali – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa xalay ku hoyday duleedka deegaanka Jameeco, waxaana ay ku sii dhowaanayaan xaqiijinta gacan-ku-haynta deegaankaas, sida ay sheegayaan wararka laga helayo goobta howlgalka.

Sidoo kale, saraakiil xog-ogaal u ah howlgalka ayaa sheegay in howlgalkan, oo bilowday sagaal maalmood ka hor, ujeeddadiisu tahay in Al-Shabaab laga saaro dhulka u dhexeeya Balli-doogle iyo Jameeco, isla markaana laga sifeeyo miinooyinka ay kooxda ku aastay waddooyinka iyo goobaha miyiga ah.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa isbeddel ku samaysay saraakiishii hoggaaminaysay howlgalka Banooda, kadib markii ay soo baxeen tabashooyin iyo eedeymo la xiriira qaabkii loo maamulay howlgalkaas. Qaar ka mid ah saraakiishii hore ayaa la sheegay in la xiray, halka kuwo kalena xilalkii laga wareejiyay ama loo beddelay jagooyin kale.

Xogta la helayo ayaa tilmaamaysa in hoggaaminta howlgalka cusub lagu wareejiyay Gaashaanle Maxamad Bashiir, oo loo yaqaan Col. Shiine, kaasoo hore uga tirsanaa hoggaanka Kumaandooska Danab ee Galmudug. Waxaa la sheegay in loo xilsaaray hoggaaminta ciidanka Danab ee ka howlgala aagga Balli-doogle iyo jihada Jameeco.

Ciidan uu hoggaaminayo sarkaalkan ayaa shalay gudaha u galay deegaanka Jameeco, iyagoo halkaas ka sii wada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dib-u-habeyn lagu sameeyay qorshihii hore ee howlgalka Banooda, kadib markii saraakiil ka tirsan taliska sare ay qaarkood ku eedeeyeen in aysan si habboon u gudan waajibaadkoodii. Eedeymahaas iyo tallaabooyinka laga qaaday saraakiisha ayaan weli faahfaahin rasmi ah laga helin dowladda Soomaaliya.

Howlgallada ka socda Jameeco iyo deegaannada ku xeeran ayaa qayb ka ah dadaallada ciidamada dowladda ay ku doonayaan in ay ku sugaan ammaanka waddooyinka isku xira Balli-doogle iyo deegaannada ku teedsan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version