Mogadishu, Somalia – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ku baaqay in la xoojiyo wax-soo-saarka gudaha, gaar ahaan beeraha, kalluumeysiga, xoolaha, warshadaha iyo macdanta, si dalka uu u gaaro isku-filnaansho dhaqaale. Guddoomiyaha ayaa hadalkan jeediyay munaasabad uu ku soo xirayay Shirka Ilaha Wax-soo-saarka Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabisay Madasha Magan Forum.
Guddoomiye Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin amniga, waxbarashada xirfadaha, maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in arrimahaasi ay muhiim u yihiin kobcinta wax-soo-saarka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Waxa uu sidoo kale ka digay ku-tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno, isagoo sheegay in hakadka ku yimaada ganacsiga caalamiga ah uu saameyn ku yeelan karo dhaqaalaha Soomaaliya. Waxa uu ku boorriyay bulshada inay dhiirrigeliso isticmaalka badeecadaha gudaha laga soo saaro si loo taageero ganacsatada iyo wax-soo-saareyaasha Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu ku hawlan yahay horumarinta sharciyo ilaalinaya wax-soo-saarka gudaha iyo danaha wax-soo-saarayaasha Soomaaliyeed, isla markaana dhiirrigelinaya maalgashiga iyo kobcinta ganacsiyada dalka.
Waxa uu intaa ku daray in sharciyadaasi ay sidoo kale gacan ka geysan doonaan suuq-geynta dalagyada iyo badeecadaha Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba, si loo kordhiyo fursadaha ganacsi, loo abuuro shaqooyin, loona xoojiyo isku-filnaanshaha dhaqaalaha dalka.
