Thursday, August 27, 2026

Madaxweynaha Koofur Galbeed Oo Aan Qeyb Ka Ahayn Madaxda Kaqeyb Galeysa Caleemasaarka Madaxda Waqooyi Bari

Share

Baydhabo, Soomaaliya – Madaxweynaha Maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaan qeyb ka ahayn waftiga gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasoo lagu wado in maalinka bari ah lagu caleema saaro madaxda dhawaan loo doortay maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Majiro war rasmi ah oo kusaabsan baaqashada madaxweyne Laftagaareen iyadoo loo diray casuumaada caleema saarka madaxda maamulka Waqooyi Bari, sidoo kale majiro khilaaf la ogyahay oo udhexeeya madaxweynaha Waqooyi Bari Cabduqaadir Firdhiye iyo madaxweyne Laftagareen, taa badalkeeda waxay kawada tirsanyihiin xisbiga JSP ee uu gudoomiye uyahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in sababta ugu weyn ee leh baaqashada madaxweyne Laftagareen ay tahay xaalada abaareed ee kajirta dalka gaar ahaan deegaanada Koofurgalbeed.

Guud ahaan waqtigaan oo lafilayay inay roobabka deyrta kada’aan dalka ayaan di’in iyadoo abaaraha dalka kajirana ay si ba’an usaameeyeen beeraleyda, iyo xoola dhaqatada, iyadoo ay wabiyadu qalaleen.

Read more

Local News