Muqdisho, Soomaaliya – Shir jaraa’id oo ay wadajir uqabteen gudiyada joogtada ah ee golaha shacabka ayaa sheegay inay qaadaceen fadhigii maanta ee gudiyada golaha shacabka iyagoo oo sababta kusheegay in muddo xuleedkii kalfadhiga baarlamaanka oo dhamaaday lagu daro muddo 40 maalmood ah taas oo lagaga shaqeynayo dhameystirka cutubyada harsan ee dastuurka.
Labada Aqal ee baarlamaanka ayaa labalamiyay maalinka bari kulan wadajir ah kaas oo ajandayaasha looga hadlayo ay yihiin, Dhagaysiga Warbixinta Guddiga la socodka Dib-u Eegista Dastuurka-BFS ee Cutubyada 5-9aad ee Soojeedinta Wax-kabaddalka Dastuurka.
Qaybinta Shintirsiga Wax-ka-baddalka Dastuurka Cutubyadiisa 5-9aad.
Guux xoogan oo ay wadaan xildhibaanada mucaaradka ah ayaa soo shaac baxaya iyadoo wakiilada maamul goboleedyada Galmudug, Koofurgalbeed, iyo Hirshabeele ay galabta shaaciyeen inaanay qeyb ka ahayn hanaanka waxkabadalka dastuurka.
Kal hore dowladda Soomaaliya ayaa horay umeel maarisay afar cutub oo waxkabadal ay kusameesay oo uu kamid yahay cutubka afaraad kaas oo tibaaxayay awoodaha madaxweynaha, iyo mudada xilhaynta oo uu dhigayo in ay noqoto shan sano. Halka dastuurka kumeel gaarka ah uu sheegayo in mudada xilhaynta madaxweynaha ay tahay afar sano.
Dowladda Soomaaliya ayaa waqtigeedii ugu badnaa galisay wax kabadalka dastuurka, iyadoo xubnaha mucaaradka ay siweyn uga Soo horjeesteen, kuna tilmaamay qorshe ay muddo kororsi ugu raadineyso hay’adaha dowliga ah.
Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa casuumaad ufidisay golaha mustaqbalka Soomaaliya oo horaantii December shir ay kuyeesheen magaalada Kismaayo ayaa dowladda ugu baaqay in muddo bil gudeheed ah kufurto wadahadal loo dhanyahay.

