Muqdisho, Soomaaliya ‑ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka, kuwaasi oo soo ajiibay Gogosha wadatashi ee ay fidisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Soo dhaweyn kaddib, Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan laba geesood ah kaa oo lagaga hadlayo xaalada guud ee dalka, doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, gurmadka abaaraha iyo la dagaalanka Khawaarijta.
Soo dhaweynta uu madaxweyne Xasan Sheekh ugu sameeyay xubnaha Golaha Mustaqbalka Madaxtooyada ayaa daba socota kulan qada sharaf ahaa oo uu layeeshay maalinimadii Talaadada ee Todobaadkaan.
Madaxweynaha ayaa Xubnaha Golaha Mustaqabalka kala hadlaya ajendayaal ay ugu muhuumsanyihiin doorashooyinka, xaalada abaaraha ee guud ahaan dalka iyo Midnimada iyo wadajirka dalka.

Labaatanka Bishii January ee tagtay dowladda Soomaaliya gaar ahaan xafiiska ra’iisulwasaaraha ayaa hogaanka Golaha Mustaqbalka ufidiyay gogol wadatashi qaran ah, taa oo kutimid kadib shirkii magaaladda Kismaayo ay kuyeesheen xubno katirsan Madasha Samta bixinta, iyo maamulada Puntland iyo Jubaland, kaa oo dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay qabato shir wadatashi ah oo looga arrinsanayo xaalada uu dalka kusuganyahay dooda waxkabadalka dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka.
Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa iyagu horaanta bishaan February soo gaaray caasimadda Muqdisho, iyagoo kulamo gaar gaar ah layeeshay qaar kamid ah xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka, waxgaradka kunool Gobolka Banaadir iyo sidoo kale kulan salaam ah oo uu ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ugu tagay hoygooda gudaha airport ka kuyaala.
Kulanka soo dhaweynta ah ee kadhacay madaxtooyada qaranka ayaa waxaa madaxweynaha kuwehliyay ra’iisulwasaaraha, ra’iisulwasaare kuxigeenka xubno katirsan golaha wasiirada, agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugida Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, iyo sidoo kale agaasimaha Hay’adda Nabadsugida qaranka Mahad Maxmed Salaad.


