Geneva, Switzerland – Agaasimaha Guud ee Hay’ada Cafimadka Aduunka “WHO” Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa taageero u muujiyay garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cartan kadib markii laga hor istaagay inuu galo Mareykanka si uu uga qeyb galo Koobka Adduunka FIFA.
Tedros ayaa sheegay in Cartan uu sameeyay taariikh isagoo noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee Koobka Adduunka gaara, isla markaana loo aqoonsaday garsooraha ugu fiican Afrika.
Wuxuu intaas ku daray in ka hor istaagista Cartan inuu garoonka galo ma tirtirayso mana wiiqayso guulihii uu hore u gaaray, isla markaana uu dhiirrigelin u yahay jiilalka cusub ee Soomaaliyeed.
Tedros ayaa sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in Cartan uu sii wadi doono ka qeybgalka tartamada caalamiga ah ee waaweyn.
Cumar Cartan ayaa hore loogu waday inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee ka garsoora FIFA World Cup, hase yeeshee go’aan Mareykan ah oo xaddidaya gelitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ka hor istaagay safarkiisa.

