Laascaanood, Soomaaliya – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaaladda Laascaanood ee caasimadda maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya halkaas oo uu ku soo dhaweeyay hogaamiyaha maamulka Cabduqaadir Axmed Firdhiye.
Booqashada ra’iisulwasaaraha ee magaaladda Laascaanood oo ah tiisii sadexaad ee uu ku tago tan iyo sanadkii 2025 ka ayaa daaran ka qeybgalka dabaal dagga sanadguurada koowaad ee maamulka.
Qaar kamid ah golaha wasiiradda xukuumadda federaalka ayaa ku wehliya ra’iisul wasaaraha safarkiisa Laascaanood kuwaas oo daahfuri doona mashaariic halkaas laga hirgaliyay, sidoo kalana ka qeyb noqon doona kulammo la xiriira xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka iyo maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Safarka ra’iisul wasaaraha ee magaaladda Laascaanood ee caasimadda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa noqonaya kiisii labaad oo muddo sanad ka yar ku tago halkaas iyadoo bishii January ay halkaas booqdeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha iyagoo ka qeybgalaya caleema saarka hogaanka maamulka.
Dhanka kale maamulka Somaliland ayaa cambaareeyay booqashada ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ee magaaladda Laascaanood iyagoo ku tilmaamay tallaabo hordhac u’ah hurin colaadeed iyo muran siyaasadeed oo aan geedna loogu soo gabban, iyo ku xad gudub madaxbannaanida dhuleed iyo jiritaanka Somaliland.
Magaaladda Laascaanood ayaa 25 ka bishii August sanadkii 2023 ka kacdoon ay dadka shacabka ah sameeyeen kaga saaray maamulka Somaliland oo 17 sano ka talinayay kadib dagaal qaraar oo dhexmaray ciidamadda Somaliland iyo kuwa shacabka ah.
Dhanka kale socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya iyadoo mashaariic horumarineed oo uu fulinayay Bangiga Adduunka laga reebay maamulka Waqooyi Barri tirro dhowr jeer ah iyadoo hogaamiyaha maamulku todobaadkii hore sheegay in hadii ay mashaariic helaan iyo hadii aanay helinba noolaanayaan, jirayaan qadiyadooda Soomaalinimona ku taagnaanayaan.

