Thursday, August 27, 2026

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kulan La Yeeshay Xildhibaanadda Mucaaradka Ah

Share

 

Muqdisho – Gudoomiyaha Golaha Shacabka Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kulan ay albaabadu u xiran yihiin la yeeshay xildhibaanada mucaaradka ah kuwaas oo diidan sharciyadda baarlamaanka.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta ay ku shiraan baarlamaanka ee Villa Hargeysa iyadoo warbaahintu dibad jog ka aheyd kulanka.

Lama helin xog rasmi ah oo ku saabsan waxyaabihii ay ka wadahadleen xildhibaanada mucaaradka ah iyo gudoomiyaha baarlamaanka ee dhawaan la doortay.

Read more

Local News