Wednesday, October 21, 2026

Taliyihii Hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Oo Xalay Lagu Duqeeyay Hoygiisa Degmada Doolow

Share

Doolow, Soomaaliya – Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan Aadan oo loo garan ogyahay taliye Shub ayaa saqbarkii xalay lagu weeraray hoygiisa degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Sida ay tibaaxayaan xogaha laga helay guriga taliyaha, taliyaha ayaa isagoo oo ku sugan gurigiisa lala beegsaday weerarka diyaaradaha Drone ta ah loo adeegsaday, Muuqaalo laga soo duubay guriga uu ka daganaa degmada Doolow ayaa muujinaya burbur lixaad leh oo soo gaaray guriga halka sidoo kale uu dhaawacmay taliye Mahad Cabdiraxmaan.

Weerarka Drone ta loo adeegsaday ee lagu weeraray guriga taliyihii hore ee ciidanka Asluubta ayaa sidoo kale geystay khasaare dhaawac oo kabadan isaga waxaana uu dhaawac soo gaaray laba kamid ah ilaalada jananka, wiilka uu dhalay janaraal Mahad ee Cabdifataax Mahad ayaa sheegay in aabihii uu badqabo.

Sida xogo kale xaqiijinayaan Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa dhaawaciisa loo qaaday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya duhurnimadii maanta.

Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa horay laba jeer usoo noqday taliyaha ciidanka Asluubta iyo sidoo kale xildhibaan baarlamaanka fedraalka ah oo laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfurgalbeed.

Taliyaha ayaa isaga tagay kursiga xildhibaanimada kadib markii dib loogu magacaabay xilka taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bishii March ee sanadkaan kaqaaday xilkii uu ku magacownaa jananka kadib markii uu lasaftay madaxweynihii hore ee maamulka Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo hogaanka maamulka laga ceyriyay 30 bishii March, iyadoo xilkan loo magacaabay Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo garan ogyahay taliye Shub ayaa garab iyo gaashaan u noqday madaxweynihii hore ee Koonfurgalbeed ee la ceyriyay isagoo horay u sheegay in “Hadii hogaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed Sheekh Aadan Madoobe hal habeen nabad ku seexdo Baydhabo uu isaga dambigeeda leeyahay”.

Weerarka lagu qaaday gurigiisa ayaa yimid waxkayar 24 saac markii xoogaga taabacsan madaweynihii hore Cabdicasiis Laftagareen ay weerareen magaaladda Baydhabohalkaasoo uu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka oo isgarabsanaya iyo xoogaga taabacsan Cabdicasiis Laftagareen.

Dowlad goboleedka Jubaland oo ka hadlay duqeyntii xalay loo geystay guriga janraal Mahad ayaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ku eedeysay inay ka dambeeyeen weerarka.

Read more

Local News