Baydhabo, Soomaaliya – Banaanbax balaaran oo uu soo abaabulay maamulka Koonfurgalbeed ayaa ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka dowlad goboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya.
Banaanbaxaan ayaa ahaa mid taageero loogu muujinayay dowladda dalka Turkiga xilli muddooyinkii u dambeeyay ay isa soo tareesay dhaleeceeno ka imaanaya siyaasiyiin iyo shacab ka gadoodsan siyaasadda ay dowladda Turkiga ku wajaheyso dalka Soomaaliya.
Banaanbaxa ay soo qaban qaabiyeen maamulka Koonfurgalbeed ayaa yimid kagadaal markii meelo kamid ah deegaanada Koonfurgalbeed, Puntland iyo Jubaland lagu gubay calanka dalka Turkiga.
Gubida calanka Turkiga ayaa saameyn xoogan ku yeelatay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal heer uu gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ka hadlo calanka Turkiga ee la gubayo.
Maamulkii laga fara maroojiyay hogaanka Koonfurgalbeed ee ka arriminayay 7 dii sano ee lasoo dhaafay ayaa iyaguna geestooda Turkiga ku eedeeyay duqeymo ay deegaanada ay ku suganyihiin ee duleedka magaaladda Baydhabo ah ka geysteen diyaarado drone ah kuwaas oo howlgalo amni ka sameenayay aagaga ay weerareen.
Diyaarad drone ah ayaa weerartay guri ku yaalay degmada Doolow ee Gobolka Gedo halkaasoo uu ku sugnaa taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan Taliye Shub horaantii Bishan September taasoo ay xubno mucaarad ku ah nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyeen inuu kadambeeyo weerarka taliye Shub.
Dhanka kale maamulka Puntland deegaanada kulaala xeebaha badda Cas ayaa iyagana laga dhigay dibax bax lagaga soo horjeedo dalka Turkiga, dibad baxooda ayaana salka ku haya kaluumeysato iyo badmaaxayaal lagu dilay duqeymo diyaaradeed ka dhacay deegaanada Puntland, xilli xeebaha maamulkaas afduub loogu heystay Markabka MV Lutuf kaas oo siday hub iyo saanad milatari kuna wajahnaa dakada magaaladda Muqdisho.
Dowladda Turkiga ayaan iyadu kahadlin markabkii laga lahaa dalkeeda una rarnaa Dakada Muqdisho ee siday saanada hubka ah kaasoo lagu afduubtay xeebaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland iyo sidoo duqeymaha lagu eedeeyay inay iyadu fulisay ee ka dhacay deegaanada xeebaha ah ee Puntland iyo deegaanada Koonfurgalbeed.

