Tuesday, October 27, 2026

Gudi Ka Socda Baarlamaanka Midowga Yurub Oo Booqday Shiinaha

Share

Beijing, China – 12 xubnood oo kamid ah gudiga ganacsiga caalamiga ah ee baarlamaanka Midowga Yurub ee loo yaqaano (INTA) ayaa Talaadada maanta ah u amba baxay dalka Shiinaha halkaasoo ay ku bixin doonaan booqasho saddex maalmood ah.

Waftigan ka socda gudiga ganacsiga caalamiga ah ee Midowga Yurub ayaa socdaalka ay ku joogaan Shiinaha uu yahay kii ugu horeeyay tan iyo 2018ka, Sida ay kuwarantay warbaahinta dowladda Shiinaha.

Gudigan ayaa inta ay halkaas ku suganyihiin booqan doonna; Beijing, Hangzhou, iyo Shanghai inta lagu guda jiro booqashadooda saddexda maalmood ah ee Shiinaha ee ku eg maalinta Khamiista ah.

Gudiga ka socda baarlamaanka Midowga Yurub ayaa lakulmi donna dhigooda iyagoo lakulmi donna masuuliyiin katirsan dowladda sidoo kalana booqan doonna xarumaha lagu kala magacaabo Chinese Tech Innovators, Unitree iyo BrainCo.

Waftigan ayaa ah kii afaraad ee ka socda baarlamaanka Midowga Yurub ee taga Shiinaha tan iyo sanadkan 2026ka, khubarada Shiinaha ayaa soo dhaweeyay safarka gudiga ganacsiga caalamiga ah ee Baarlamaanka Midowga Yurub iyagoo dhanka kale ka digay in Midowga Yurub uu dirayo calaamado isku dhafan isagoo ku lug leh wadahadal, halka uu qorsheynayo xaddidaadyo cusub oo ku saabsan soo dejinta Shiinaha, isagoo baarlamaanku ku doodayo in macaamilka laba-geesoodka ah uu wiiqayo daacadnimada wanaagsan.

Shiinaha ayaa ku boorriyay Midowga Yurub inuu ixtiraamo mabaadi’da suuqa iyo tartanka caddaaladda ah, isla markaana uu ka fogaado ku xadgudubka qalabka daaweynta ganacsiga, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Midowga Yurub uu ka fiirsanayo tallaabooyin cusub oo lagu xakameynayo soo dejinta wax soo saarka Shiinaha.

Afhayeenka wasaaradda rrimaha dibadda Shiinaha Guo Jiakun ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Beijing in xoojinta wadahadalka iyo wadatashiga ku salaysan ixtiraamka labada dhinac, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, ay u adeegeyso danaha guud ee Shiinaha iyo Midowga Yurub.

Read more

Local News