Wednesday, November 11, 2026

Ergada Madaxweyne Trump Oo Booqasho Ku Tagaya Moscow

Share

Moscow, Russia – Ergada madaxweynaha Mareykanka Jared Kushner iyo Steve Witkoff ayaa Khamiista barrito ah u safri doona Moscow si ay wadahadal ula yeeshaan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka dib wadahadallo nabadeed oo saddex geesood ah oo uu Mareykanku dhexdhexaadinayay oo ay la yeesheen wufuud ka kala socota Ruushka iyo Yukrayn.

La-taliyaha madaxweynaha ayaa sharraxay in booqashada Moscow ay ujeedkeedu tahay dib-u-eegista wadahadalladii ka dhacay Abu Dhabi, isagoo yiri: “Waxaan halkaas ka arkaynaa meelo bannaan iyo fursado.”

Jared Kushner ayaa sheegay in ergadu ay u safri doonaan magaaladda Dublin si ay warbixin u siiyaan madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ayna sii darsaan fikradaha laga hadlay intii ay socdeen wadahadallada.

Booqashada barrito ee ergada Trump ayaa daba socota laba maalmood oo wadahadallo saddex geesood ah oo uu dhexdhexaadin ka sameeyay Mareykanka oo lagu qabtay caasimadda Imaaraadka ee Abu Dhabi, kaas oo ahaa kalfadhigii ugu horreeyay ee saddex geesood ah oo nabadeed tan iyo wadahadalladii lagu qabtay Geneva bishii February.

Read more

Local News